CAMBAABUR PODCAST | #02 | HAAYADAHA SAMEEYA CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED, AJANDAYAASHA IYO CAQABADAHA | MUSTAFE FAYRUUS. (Q2aad)
Manage episode 272344156 series 2790700
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus.
Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.
Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.
Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay.
Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.
Qaybtii labaad weeyi tani, tii koobaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, qaybyta saddexaad ee soo socta iyo kuwa cusubba halkaas kala soco.
Halkan kala soco Mustafe Fayruus:
https://www.facebook.com/MustafaFeiruz/
Dhagaysi wacan.
17 odcinków